PSG oo lumineysa Toddobo xiddig oo ay ku jiraan Edinson Cavani & Thiago Silva

(Paris) 01 Feb 2020. Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa qasaari karta toddoba ciyaaryahan suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka tago kooxda Paris suuqii Janaayo ee xalay niskii dambe la soo gabo gabeeyay.

Sidoo kale suuqii Janaayo Layvin Kurzawa ayaa ka mid ah xiddigaha dalabka ka helyay kooxo ay ka yimid yihiin Juventus iyo Arsenal, hase ahaate waxa uu sii joogay Paris Saint-Germain.

Hadaba, Toddobada ciyaaryahan ee heshiiskoodu uu dhacayo suuqa xagaaga ayaa waxay kala yihiin Edinson Cavani, Thiago Silva, Thomas Meunier, Layvin Kurzawa, Adil Aouchiche, Tanguy Kouassi iyo Eric Maxim Choupo-Moting.

Dhaman xiddigahan aynu soo sheegnay ayaa qandraaskooda PSG waxa uu ku eg yahay bisha Juun ee 2020.

Daafaca Brazil ee Thiago Silva ayaa loo badinayaa in kooxda uu beeca xorta uga tagi karo maadama uu sii cago cageenayo da’aada 36-aad.

Sidoo kale Edinson Cavani oo si cad u sheegay in uusan dooneyn in uu ka sii ciyaaro horyaalka France ayaa isaguna lagu waramayaa inuusan sii joogi doonin PSG.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close