Liverpool oo wali la qaban la’ayahay kaddib markii ay guul ka gaartay Southampton… +SAWIRRO

(Liverpool) 01 Feb 2020. Liverpool ayaa guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Southampton garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 25-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada looxood.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxay sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 47-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 1-0 ka dhigay Alex Oxlade-Chamberlain, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Roberto Firmino.

Daqiiqadii 60-aad Liverpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Jordan Henderson, waxaana goolkan caawiyay markale Roberto Firmino.

Daqiiqadii 72-aad Liverpool ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Maxamed Saalax, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jordan Henderson.

Daqiiqadii 90-aad Maxamed Saalax ayaa ciyaarta ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay Liverpool, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Roberto Firmino.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Southampton oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close