Leicester City oo ku qasabtay kooxda Chelsea in ay dhibcaha ku qeybsadaan garoonka King Power… +SAWIRRO

(England) 01 Feb 2020. Leicester City ayaa ku qasabtay kooxda kubadda ee Chelsea in ay dhibcaha ku qeybsadaan garoonka King Power, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 2-2 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 25-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxay sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 46-aad Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Antonio Rudiger, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mason Mount.

Laakiin daqiiqadii 56-aad kooxda martida loo ahaa ee Leicester City ayaa heshay goolka bar-bardhaca, waxaana dheesha 1-1 ka dhigay Harvey Barnes iyadoo uu goolkan ka caawiyay xiddiga lagu magacaabo Youri Tielemans.

Daqiiqadii 64-aad Leicester City ayaa markeeda hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay Ben Chilwell, waxaana caawinta goolkan lahaa Youri Tielemans.

Daqiiqadii 71-aad Chelsea ayaa heshay goolka bar-bardhaca Antonio Rudiger ayaa dheesha 2-2 ka dhigay, waxaana markale goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mason Mount.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 2-2 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Leicester City iyo Chelsea kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka King Power, kana tirsanaa kulamada horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close