Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka Madrid Derby

(Madrid) 31 Jan 2020. Zinedine Zidane ayaa wuxuu ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid ee kaga qeyb galaya kulanka adag horyaalka La Liga ee ee Madrid Derby ay maqribka barri wajihi doonaan naadiga Atlético Madrid.

Macalin Zinedine Zidane iyo wiilashiisa kooxda Real Madrid ayaa waxay barri ku soo dhaweyn doonaan naadiga ay darista yihiin ee Atlético Madrid garoonka Santiago Bernabéu si ay u wada ciyaaraan kulanka Madrid Derby ee qeyb ka ah kulmada 22-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Zinedine Zidane ayaa liiskan ugu yeeray 19-ka ciyaaryahan ee kaga qeyb gali doonto kulanka Madrid Derby, waxaana liiskan ku soo baxay ciyaartoyda Los Blancos kuwooda ugu muhiimsan marka laga reebo xiddigaha Marco Asensio, Eden Hazard iyo Mariano Díaz oo dhaawacyo kaga maqan.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag ee Atlético Madrid:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close