Man United oo qorsheeneysa in badelka Rashford ay ka dhigato xiddig hore oo Liverpool ah

(Manchester) 31 Jan 2020. Manchester United ayaa la soo sheegayaa in ay xiriir la sameysay weeraryahanka kooxda kubadda cagta Southampton ee Danny Ings.

Warsidaha “Telegraph” ee wadanka England ayaa ku warramaya in Ole Gunner Solsjaer uu suuqa ka doonayo badelka Marcus Rashford oo 6 todobaad kaddib garoomada ku soo laaban doono.

Danny Ings ayaa wax qabad muuqda ka sameeyay kooxda lagu naaneyso Saints, kaddib markii uu 16 gool u dhaliyay xilli ciyaaredkan dhaman tartamada, isagoo bar-tilmaamed sanaya in uu qeyb ka noqdo koobka qaramada qaarada yurub ee Euro 2020.

Xidigii hore ee kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa qandraaskiisa Southampton waxaa kaga dhiman 2 sano iyo bar, xilli waqti xaadirkan uu dalab ka helayo Man United.

Sidoo kale Red Devils ayaa qorsheeneysay in ay la soo wareegto Edinson Cavani laakiin ma jirto fursad ay kula soo wareegi karto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close