DEG DEG: Kooxda Barcelona oo sameysay saxiixeedii labaad ee suuqa bishan Janaayo

(Barcelona) 31 Jan 2020. Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa waxa ay hadda sameysay saxiixii labaad ee suuqa kala iibsiga bishaan Janaayo.

Barcelona ayaa la wareegtay Matheus Fernandes, kaas oo noqonaya saxiixeedii labaad ee rasmi ah oo Barca ay la wareegto.

21-sano jirkaan caalamiga ah ee Waddanka Brazil ayaa Barcelona waxa uu kaga soo wareegay kooxda Waddankiisa hooyo ee Palmeiras.

Khadkan dhexe oo Barcelona ay waqti dambe oo bishan Janaayo ah ay bartilmaameed ka dhigatay ayaa maanta goor hore farriin uu baraha bulshada soo dhigay ku macsalaameeyay Kooxdiisa Palmeiras.

Heshiiskan ayaa Barca ay ku qarash-gareysay 7 milyan oo gini oo lagu daray 3 milyan oo ku qiimeysan bandhiga xiddigan.

4-sano oo qandraas cusub ayuu Barcelona u saxiixay, islamarkaana waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 300 oo milyan oo gini.

Barcelona ayaa maanta waxa ay la wareegtay Trincao oo ay ka soo qaateen Kooxda SC Braga, garablahan 20-sano jirka ah ayaana lagula wareegay 31 milyan oo euro, inkastoo Barca uu ku soo biiri doono 1 bisha July sanadka 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close