Goorta ay Kooxda Borussia Dortmund ku dhawaaqayso saxiixa Emre Can oo daaha laga rogay

(Dortmund) 30 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa si horudhac ah loo sii shaaciyey goorta ay ku dhawaaqayso saxiixa Emre Can.

Naadiga reer Jarmal ee Dortmund ayaa qarka u saaran inay dhammaystiro heshiis ku kacaya 22 milyan oo gini kaasoo ay kula wareegeyso Emre Can.

Xiddiga reer Jarmal ee Emre Can ayaa dhankiisa ku dhow inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo, isla markaana uu ka mid  noqdo kooxda Dortmund.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka England ayaa warinaya in Kooxda Borussia Dortmund ay ku dhawaaqi karto saxiixa Emre Can maanta oo Khamiis ah.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Dortmund ay ogolaatay heshiis ku kacay 22 milyan oo gini oo u dhiganta 26 milyan oo euro ama 28 milyan oo dollar, kaasoo ay Juventus kaga soo qaadanayso laacibkan khadka dhexe ee reer Jarmal.

Tallaabadan ayaa noqon karta heshiis amaah oo bilow ah, iyadoo ay waajib ku tahay inay iibsadaan laacibkan dhammaadka xilli ciyaareedka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close