Waa kee xiddiga ay markaan mudnaanta koowaad siineyso Manchester United?

(Manchester) 29 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa la soo sheegayaa in ay xiiseeneyso adeega weeraryahanka kooxda Valencia ee Maxi Gomez.

Wargeyska “Cadena SER” ee dalka Spain ka soo baxa ayaa tilmaamay in weeraryahanka kooxda Valencia ee Maxi Gomez uu bar-tilmaamed deg-deg ah u noqday Manchester United.

Red Devils ayaa qorsheeneysa in 23 sano jirkan ay la soo wareegto suuqa xagaaga, kaddib markii ay dirtay dad u soo daawada bandhiga xiddigan.

Image result for maxi gomez man united

Gomes ayaa qandraaskiisa kooxda Valencia waxa uu dhici doonaa sanadka  2024, iyadoo lagu bur burin karo heshiiskiisa qiimo dhan €140 million.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close