Qaar ka mid ah dhallinyarada Magaalada Muqdisho oo siyaabo kala duwan uga hadlay kulanka caawa ee Manchester Derby

(Manchester) 29 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa soo dhowaynaysa naadiga ay xafiiltamaan ee Manchester United lugta labaad ee afar dhammaadka EFL Cup.

Sky Blue oo faa’iido gacanta ku haysa kulankan ayaa caawa oo Arbaco ah garoonkeeda Etihad ku soo dhoweynaysa Man United, maadaama ay kulankii hore oo ka dhacay Old Trafford ay ku soo badisay Man City 3-1.

Bernardo Silva, Riyad Mahrez iyo gool uu iska dhaliyey Andreas Pereira ayay kooxda Pep Guardiola guul ka soo qaadatay garoonka Old Trafford, waxaana ay doonayaan caawa inay ugu yaraan barbaro helaan si ay ugu gudbaan wareegga xiga, halka kooxda uu horkacayo macallin Ole ay rabaan inay soo laabasho ku sameeyaan Etihad.

Haddaba ka hor kulankan qaar ka mid ah shacabka Magaalada Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulankan iyo natiijada ka soo bixi karta.

VIDEO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close