Manchester City oo adduun dhan €94m duldhigtay xiddig ka tirsan kooxda Inter

(Manchester) 29 Jan 2020. Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa gudaha Spain “Don Balon” ayaa tilmaamay in kooxda Manchester City ay dooneyso adeega daafaca Inter Milan ee Milan Skriniar.

Hogaamiyaha Man City ee Pep Guardiola ayaa muddo dheer bar-tilmaameed ka dhiganeysay daafaca caalamiga ah ee qaranka Slovakia.

Hadaba Manchester City ayaa qorsheeneysa in lacago rikoodh ah ay hor dhigto Inter waana qiimo gaarsiisan €94 million.

Image result for milan skriniar to man city

Skriniar ayaa Nerazzurri ku soo biiray sanadii 2017 isagoo kaga soo hayaamay dhinaca iyo kooxda Sampdoria, waxaana lagu tiriyaa inuu qeyb ka yahay daafacyada ugu fiican kubadda cagta ee waqti xaadirkan.

24 sano jirkan ayaa sidoo kale waxa uu qorshaha ugu jiraa marka Man City laga tago kooxaha Manchester United iyo Barcelona.

Milan Skriniar ayaa xilli ciyaaredkan Inter Milan u ciyaaray 28 kulan dhaman tartamadda, 2357 daqiiqo ayuuna ku sameeyay kaliya hal caawinaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close