Kooxaha Horseed Iyo Dekedda oo dhibcaha ku qeybsaday kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 29 Jan 2020. Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhacay garoonka Eng Yariisow stadium, ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier League.

Kooxaha Horseed iyo Dekedda ayaa ku kala baxay bar-bardhac 0-0 ah.

Labadan kooxod ayaa waxey soo bandhigeyn kubad qurxoon ay jecleysteen taageerayasha u soo daawasho tagay kulankan.

Bar-bardhacan ay galeen waxey ka dhigan tahay in Dekedaha ay leedhahay 14-dhibcood, halka Horseed ay leedhahay 12-dhibcood.

Kulanka waxaa garsoore ka ahaa cumar cartan, calan wadaha koowad wuxuu ahaa Xamse halka calan wadaha labaad uu ahaa mahad Gentalman.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close