Horudhac: Manchester City vs Manchester United… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Manchester Derby)

(Manchester) 29 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa soo dhowaynaysa naadiga ay xafiiltamaan ee Manchester United lugta labaad ee afar dhammaadka EFL Cup.

Sky Blue oo faa’iido gacanta ku haysa kulankan ayaa caawa oo Arbaco ah garoonkeeda Etihad ku soo dhoweynaysa Man United, maadaama ay kulankii hore oo ka dhacay Old Trafford ay ku soo badisay Man City 3-1.

Bernardo Silva, Riyad Mahrez iyo gool uu iska dhaliyey Andreas Pereira ayay kooxda Pep Guardiola guul ka soo qaadatay garoonka Old Trafford, waxaana ay doonayaan caawa inay ugu yaraan barbaro helaan si ay ugu gudbaan wareegga xiga, halka kooxda uu horkacayo macallin Ole ay rabaan inay soo laabasho ku sameeyaan Etihad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Carabao Cup

Taariikhda: Arbaco, 29 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:45 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Wararka Kooxaha:-

Ciyaaryahanka Kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte ayaa dhaawac dib uga soo laabtay, laakiin Tababare Pep Guardiola ayaan doonayn inuu halis galiyo kaddib markii uu muddo garoomada ka maqnaa laacibkan.

Maadaama ay faa’iido 3-1 gacanta ku haystaan tababare Pep ma rabo inuu ciyaarsiiyo Laporte oo uu halis galiyo, si uusan dhaawac kale u soo gaarin.

John Stones ayaan isaguna ku jirin qaab ciyaareed fiican waqtigan, Eric Garcia ayaana heli kara fursad uu daafaca kala garab ciyaaro Fernandinho.

Kevin De Bruyne iyo Raheem Sterling ayaa dib ugu soo laaban doona safka hore ee Sky Blue, Guadriola ayaana kala dooran doona midkii uu safka hore ee weerarkiisa ku soo bilaabi lahaa Gabriel Jesus iyo Sergio Aguero.

Dhinaca kale Manchester United ayaan heli doonin lix ciyaaryahan, marka ay la ciyaarayaan caawa oo Arbaco ah kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City.

Goolhaye David De Gea ayaa si layaab leh ugu soo bilowday lugtii hore, waxaana kaddib bandhig liita oo uu sameeyey kulankaas laga yaabaa inuu safka hore ka soo muuqdo Sergio Romero, kaasoo rikoor ah inuu shabaqiisa goolal ka ilaashano ka sameynaya kooxda.

Marcus Rashford waa xiddig kale oo ay luminayso kooxda martida ah ee Man United, waxaana ay u baahan yihiiin in safka hore ee weerarka ka dheelsiiyaan Daniel James iyo Mason Greenwood.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Manchester City ayaa guuleysatay kaliya hal jeer oo ka mid ah shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay Manchester United, waxaana ay kala kulantay (1 Guul, 1 Barbaro iyo 3 Guuldarro) dhammaan kulamadaas waa Premier League intii u dhaxaysay 2016 iyo 2019.

>- Man United ayaa eegeysa inay sameyso rikoor guulo xiriir ah oo ay ka soo gaarto Man City iyadoo marti ah (Away), markii ugu horreysay tan iyo goortii ay ka soo guuleysteen afar kulan oo xiriir ah intii u dhaxaysay November 1993 iyo November 2000, dhammaan guulahaas ayaana yimid iyadoo la dheelayo horyaalka.

>- Tartammada oo dhan, kooxda gurigeeda ku ciyaareysa ee Sky Blue ayaa guuleysatay kaliya labo ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo dhexmaray Man City iyo Man United, waxaana ay heshay 2 Guul, 2 Barbaro iyo 7 Guuldarro, xaqiiqdii kooxda martida ah ayaa guuleysatay shank a mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku jiraan mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyey.

>- Kaliya hal ka mid ah 29-kii kooxood ee looga soo adkaaday labo gool ama ka badan lugta hore ee afar dhammaadka League Cup ayaa soo laabatay, waana Aston Villa oo wajahday Tranmere Rover kal ciyaareedkii 1993-94, kaddib markii looga soo adkaaday lugta hore 3-1 lugtii labaad iyada ku adkaatay 3-1 rigooreyaal 5-4 ku adkaatay.

>- Manchester City ayaa eegeysa inay noqoto kaliya kooxdii saddexaad ee saddex goor gaarta final-ka League Cup-ka, kaddib Liverpool oo afar jeer si xiriir ah u gaartay intii u dhaxaysay 1981 iyo 1984 & Nottingham Forest (1978 ilaa 1980).

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close