Deg-Deg: Kooxda Manchester United oo ku dhawaaqday saxiixa Bruno Fernandes

(Manchester) 29 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hadda ku dhawaaqday inay la saxiixatay laacibkii khadka dhexe ee Sporting Lisbon.

Red Devils-ka ayaa ugu dambeyntii waxay gacanta ku dhigeen adeega ciyaaryahanka qadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes.

Man United ayaa si weyn loola xiriirinayay in ay la wareegeyso Bruno Fernandes inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga bishan Janaayo.

Ciyaaryahanka caalamiga ee wadanka Portugal Fernandes ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee Ole Gunner Solsjaer uu sameeyo bishaan Janaayo.

Warkan ayaa noqonaya mid ay ku farxaan Jamaarinta Manchester United kuwaas oo dhaliilo badan u jeedinayay madaxda iyo milkiilayaasha Red Devils

Xalay ayeey aheed kaddib markii qiyaastii 20 ilaa iyo 30 taageryaashal ay weerareen hooyga uu dagan yahay madaxa fulin ee Red Devils Ed Woodward, nasiib wanaagsse waqtigaas waxa ay isaga iyo qoyskiisa ka maqnaayeen guriga.

Hadaba sida ay wararku sheegayaan Manchester United ayaa heshiiska Bruno Fernandes ku dhameystirtay aduun dhan €55m oo lagu daray lacago guno ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close