Bruno Fernandes oo isagoo dhoolla-caddeynaya u soo duulay Magaalada Manchester si uu tijaabada caafimaad ugu maro Man United

(Manchester) 29 Jan 2020. Bruno Fernandes ayaa dhoolla caddeeynayay kaddib markii uu u duulay Magaalada Manchester ka hor kulanka caawa ee dhex mari doona  Kooxda Man City iyo Man Utd si uu caafimaadka ugu maro Naadiga Manchester United.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes ayaa ayaa la arkayay isagoo oo dhoolla caddeynaya markii uu ku sii jeeday magaalada Manchester ka hor inta uusan tijaabada caafimaadka u marin kooxda ku ciyaarta Garoonka Old Trafford.

Shabakadda Sportsmail ayaa daaha ka qaaday in Manchester United iyo Sporting Lisbon ay ku heshiiyeen qiime lacageed ku kacaya 68 milyan oo gini, iyadoo qiimaha koowaad oo ay Manchester United bixinayso uu gaarayo  46.6 milyan oo gini.

Fernandes ayaa u muuqday mid kusii jeeda dalka England, waxaana wehliyay saaxiibkiis Carolina Deslandes taasi oo sawirka xiisaha leh soo dhigtay barteeda Instagram-ka.

Man United iyo Sporting ayaa horumar badan ka sameeyay heshiiskii lagu muran sanaa maalmahan xilli saddex maalmood oo kaliya ay ka harsan tahay marka uu xirmi doono suuqa kala iibsiga Janaayo.

Red Devils ayaa bixin doonta lacag horudhac ah oo ah 46.6 milyan oo gini, waxaana heshiiska uu ku jiraa 8 milyan oo gini oo ku saleysan bandhiga xiddigan reer Portugal ee Fernandes.

Man United ayaa sidoo kale laga yaabaa inay bixiso ilaa 12.7 milyan oo gini in ka badan oo ku xirnaan doonta haddii ciyaaryahanka gaaro bartimaameedyada ay adag tahay in lagaaro sida billadaha shaqsi ahaaneed ee qaaliga ah.

Kooxda Barcelona ayaa xalay hoggaamisay saxiixiisa laakiin waxa ay haatan u muuqataa in lagu garaacay oo ay gacanta ku dhigtay Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close