WAR CUSUB: Kooxda Barcelona oo ku soo biirtay doonista Bruno Fernandes

(Barcelona) 28 Jan 2020. Wararka ka soo baxaya gudaha Spain ayaa sheegaya in kooxda kubadda cagta ee Barcelona ay ku soo biirtay loolanka loogu jiro ciyaaryahanka Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes.

Xiddiga caalamiga ah ee wadanka Portugal ayaa bar-tilmaameed sare u ahaa kooxda kubadda cagta ee Manchester United tan iyo bilowgii suuqan gabo gabada ah ee Janaayo.

Warbixin uu daabacay “Super Deporte” ayaa lagu sheegay in Barcelona ay ku soo biirtay bar-tilmaamedka Manchester United ee Bruno Fernandes.

Wargeyska ayaa hadalkiisa waxa uu intaasi ku daray qorshaha Barca ee Bruno in uu yahay in qaab amaah ah ay ugu diraan inta ka dhiman xilli ciyaaredkan kooxda garoonka Mestalla ee Valencia.

Barca ayaa la fahansan yahay in heshiis ay la gaartay Rodrigo, waxa ayna u dirayaan Valencia Bruno si uu ugu ciyaaro inta ka dhiman xilli ciyaaredkan, waa hadii ay ku guuleystaan heshiiskiisa.

Hadaba, Bruno Fernandes ayaa loo badinayaa in Man United uu ku biirayo inkastoo sheekadiisa ay u muuqato mid maalinba maalinka ka danbeysa yeelaneysa waji cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close