Waa kuwee labada xiddig oo ay qorsheeneyso Chelsea in ay keento Stamford Bridge?

(London) 28 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa qorshooyin badan ka leh suuqa xagaaga ee isku dayaarinta ka hor ololaha 2020/2021, maadama ay ku jirto tartanka koobab waa weyn uu qeyb ka yahay horyaalka Premier League oo ay ku wehlinayaan 19 kooxood.

Hadaba, shabakada caalamiga ah ee “ESPN” ayaa farta ku fiiqday labada ciyaaryahan ay qorsheeneyso Chelsea inay la soo wareegto xilli ciyaaredka soo aadan.

Daafaca bidix ee kooxda Leicester City Ben Chilwell iyo kubad sameeyaha Ajax ee Hakim Ziyech ayeey sheegtay shabakada “ESPN” in ay yihiin dooqa ugu horeeya ee liiska Blues u qorsheesan xilli ciyaaredka 2020/2021.

Image result for Hakim Ziyech and Ben Chilwell to Chelsea

Chelsea ayaa lasoo warrinayaa in ay seegayaan raacdada ay ugu jiraan weeraryahanka Napoli ee Dries Mertens.

Si kastaba ha noqotee, Frank Lampard ayaa leylin doona Chelsea xilli ciyaaredkiisii labaad, marka uu dhamaado xilli ciyaaredkan 2019/2020 islamarkaana uu bilowda 2020/2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close