Real Madrid oo xiddig ka tirsan Arsenal ka horjoogsatay inuu ku biiro koox kala dhisan Spain

(Madrid) 28 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo sheegayaa in laacib ka tirsan Arsenal ay ka horjoogsatay inuu ku biiro naadiga ka dhisan Spain ee Valencia.

Kooxda Valencia ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuldarreysatay qaab amaah ah oo ay kula soo wareegi lahayd ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid, Dani Ceballos.

Inkastoo xiddiga reer Spain uu haatan amaah ku qaadanayo Arsenal, 23-sano jirka ayaa doonaya inuu ka tago Emirates Stadium sababtoo ah waxa dhacaya heshiiska.

Waxaa xiiso u muujinaya kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaaradda Yurub, kooxda kubadda cagta  Valencia ayaana rabta soo qaadato laacibkan si ay meel sare uga gaarto horyaalka La Ligaha Spain.

Sida laga soo xigtay Jariiradda Marca, Real ayaan dooneynin inay xoojiso koox awood u yeelan kara inay si toos ah u xafiiltamaan inta lagu jiro qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkan hadda soconaya.

Inkastoo 12 dhibic ay kala sareeyaan labada naadi, kooxda Valencia ayaa heshay awood xoog leh kaddib markii ay 2-0 kaga adkaadeen Barcelona.

Sida ay haatan tahay, Ceballos waxa uu u muuqdaa inuu ku sii nagaan doono Arsenal, haddii aysan Gunners awoodin inay soo iibsadaan bedelkiisa, iyagoo markale diyaar u ah inay la fariistaan.

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warammayaa inay diiday dalabkii kaga yimid kooxda Valencia waliba  qaab amaah oo laga soo gudbiyay ciyaaryahankooda Dani Ceballos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close