Maxaa ka jira in Chelsea ay xiiseyneyso adeega Luka Jovic?

(London) 28 Jan 2020. Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa lala xiriirinayay Chelsea inta lagu gudo jiro suuqa bishaan Janaayo.

Wargeyska caanka ah ee “The Telegraph” ayaa shaaca ka qaaday xogta ku aadan in Blues ay xiiseyneyso Jovic iyo in kale.

Hadaba, Wargeyska ayaa tilmaamayay in Chelsea aysan qorshe ka laheen adeega Luka Jovic oo ka tirsan kooxda caasimada Spain ee Real Madrid.

Chelsea ayaa u muuqata mid seegeysa adeega weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani oo loo badinayo in uu ku biirayo kooxda Atletico Madrid.

Macallinka Chelsea Frank Lampard ayaa laga yaaba in suuqa uu ka raadiyo xidig weerarka ka ciyaara maadama Oliver Giroud uu koox cusub raadsanayo, Hase ahaate liiska ay Blues qorsheeneyso in ay leento Stamford Bridge waxaanan qeyb ka aheyn Luka Jovic .

Si kasta ha noqotee, Luka Jovic ayaa dhaliilo badan oo qaab ciyaaredkiisa ah waxa uu kala kulmaa taagerayaasha kooxda kubadda cagta ee Real Madrid.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close