Jurgen Klopp oo sheegay kulamada uu Sadio Mane ka maqnaan doono Liverpool

(Liverpool) 28 Jan 2020. Hoggaamiyaha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Sadio Mane uu seegi doono kulanka habeen dane ay la ciyaari doonan West Ham United, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Preimer Leagea.

Weeraryahanka Reds ayaa la dhibaatoonaya dhaawac muruqa ah oo soo gaaray kulankii Wolverhampton Wanderers ee dhacay Khamiistii hore.

Shirkii sharaa’id ee ka hor ciyaarta West Ham ayuu Klopp sheegay:

“Sadio kuma lug lahaan doono kulanka West Ham United iyo ciyaarta aan la dheeli doono Southampton”.

“Intaas kaddib wuu fiicnan doonaa, wuxuu dib ugu soo laaban doona weerarka kooxda”.

“Wuxuu la dhibaatoonayaa xanuun yar oo ah muruqa, waxaan nasiib u yeelanay in uusan dhab ahaantii muddo badan naga maqnan doonin”.

“Laakiin dabcan marka aad ciyaareyso toddobaadkii saddex kulan kaddib wuxuu maqnan doona saddex kulan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close