Xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo si qiiro leh kaga hadlay geeridii Kobe Bryant

(World) 27 Jan 2020. Dunida oo dhami waxay heshay war naxdin leh oo ku saabsan geerida halyeeyga NBA ee Kubadda Koleyga Kobe Bryant iyo gabadhiisa 13-jirka ah ee Gianna kaddib markii ay diyaarad nooca Helicopter-ka ah oo ay saarnaayeen ay ku bur-burtay agagaarka magaalada Los Angeles.

Dunida oo dhan ayaa waxay wadaageen warka ku saabsan geerida Kobe Bryant, ha ahaato dhanka Kubadda Koleyga ama isboortiga nooocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kubadda cagta.

Haddaba kabtanka xulka qaranka Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Kobe Kobe Bryant, isagoo u mariyay boggaga uu ku leeyahay baraha bulshada sida Facebook iyo inistigaram.

Lionel Messi ayaa wuxuu ku soo qoray boggogiisan rasmiga ah ee Facebook iyo inistigaram fariin qiiro leh ee ku socotay geerida halyeeyga NBA ee Kubadda Koleyga Kobe Bryant, kaasoo oo ay in ka badan hal jeer ay si wada jir ah xayeesiimo uga soo muuqdeen shaashadaha.

Yeelkeede, fariinta Lionel Messi ayaa u qorneed sidan:

Image result for Lionel Messi and Kobe Bryant

“Mahayo wax erayo ah, waxaan si niyad ah tacsi ugu dirayaa qoyska iyo saaxiibada Kobe Bryant, Sharaf ayey ii ahayd inaan maalin la kulmay oo waqti wadaagnay”.

“Waxaad aheyd qof caqli badan sida kuwo tiro yar oo kale”.

Dhinaca kale weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu isna ka hadlay geerida ku timid halyeeyga NBA ee Kubadda Koleyga Kobe Bryant, wuxuuna ku soo qoray boggiisa rasmi ah ah ee inistigaram-ka:

“Wuxuu ahaa war niyadjab leh, geerida Kobe Bryant iyo gabadhiisa Gianna”.

“Kobe Bryant wuxuu ahaa halyeey dhab ah isla markaana tusaale u ah dad badan, waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo Asxaabtiisa iyo qoysaska dhamaan dadkii naftooda ku waayay shilka diyaarada”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close