Toni Kroos oo hoggaaminaya Shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii 21-aad ee toddobaadkan laga ciyaaray La Liga

(Spain) 27 Jan 2020. Waxaa la ciyaaray kulamadii 21-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain, iyadoo lagu arkay in Real Madrid ay kali ku noqotay hoggaanka kaddib guushii ay xalay ka gaartay Real Valladolid, iyo guuldarradii Barcelona ka soo gaartay Valencia.

Haddaba shabakada caanka ah ee “WhoScored” ayaa daabacday shaxdii ugu fiicneyd toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxaana lagu dhex arkay labo xiddig oo kooxda Real Madrid ah, kuwaasoo kala ah Toni Kroos iyo Nacho.

Laakiin kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku guuldarreysatay in xitaa hal kursi ay ku yeelato shaxda kooxda toddobaadka, sababa la xiriira guuldarradii 2-0 aheyd ay kala kulmeen Valencia.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo shaxda kooxdii ugu fiicneyd kulamadii 21-aad ee Isbuucan laga ciyaaray horyaalka La Liga ee dalka Spain:

Goolhaayaha: Álex Remiro (Real Sociedad).

Daafacyada: Nacho (Real Madrid), Pedro Bigas (Eibar), Aridane Hernández (Osasuna), Sergio Reguilón (Sevilla).

Khadka Dhexe: Toni Kroos (Real Madrid), Thomas Partey (Atletico Madrid), Portu (Real Sociedad), Santi Mina (Celta Vigo).

Weerarka: Luuk de Jong (Sevilla), Maximiliano Gómez (Valencia).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close