Manchester United oo qorsheeneysa in ay soo xero galiso xiddig hore ee kooxda Liverpool ah

(Manchester) 27 Jan 2020. Macallinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramaya in uu qorsheenayo soo xerogalinta ciyaaryahan hore u soo maray kooxda Liverpool.

Man United ayaa wali baaqi ku ah xiisaha ay u qabto qadka dhexe ee Juventus Emre Can, kaas oo beeca xorta kaga tagay kooxda Liverpool.

Ole Gunnar Solskjaer oo dhaawac ay kaga maqan yihiin Paul Pogba iyo Scott McTominay, kuwaas oo ah halboolayaasha qadka dhexe ee United ayaa doonaya xiddig ka ciyaara qeybtaa dhexe ee garoonka.

Red Devills ayaa lala xiriirinayay Can bilowgii bishan Janaayo, laakiin wargeyska “Express” ayaa shaaca ka qaaday in Man United ay wali baaqi ku tahay xiisaha ciyaaryahanka caalamiga ah ee wadanka Germnay.

Emre Can ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxda Borussia Dortmund maadama ay yartahay fursada uu ka helo Juventus, iyadoo kaliya 200 daqiiq oo qura uu ka soo muuqday xlli ciyaaredkan kooxdiisa.

Qiyaastii  €30m ayaa lagu sheegaa lacagaha ay Juventus ku fasixi karo laacibkeedan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close