Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow

(Muqdisho) 27 Jan 2020. Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow Stadium Ex-Koonis.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waxayna u dhaxeysa kooxaha Elman Sports Club iyo Gaadiidka, waana kulankii 24-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan.

Kooxda kubadda cagta Elman kulankii ugu dambeeyey waxa ay 3-2 ugu adkaatay naadiga Raadsan.

Wiilasha Gaadiidka kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxa ay guuldarro 1-0 kala soo kulmeen kooxda Horseed.

Elman ayaa sanadkan waxa ay doonaysaa inay gacanta ku dhigto horyaalka, maadaama todobo sano ay ugu dambeysay inay hanato horyaalka Somali Premier League, waxaa ugu dambeysay sanadkii 2012-kii.

Kooxda Gaadiidka ayaa dhankeeda rabta inay dib ugu soo laabato wadada guulaha, maadama kulankii ugu dambeyay guuldarro la soo kulantay.

Ogeysiis kulanka:-

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Elman vs Gaadiidka

Garoonka: Eng. Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo xilliga Muqdisho.

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close