RASMI: Garsooraha dhex-dhexaadin doono kulanka Horyaalka La Liga ee Madrid Derby oo la shaaciyey

(Madrid) 27 Jan 2020. Xiriirka kubbadda cagta wadanka Spain ayaa fiidnimadan Isniinta ah ku dhawaaqay magacyada garsoorayaasha maamuli doona kulamada xiga ee 22-aad ee horyaalka La Liga.

Waxaa la qorsheynayaa in la ciyaaro Sabtida soo socota kulanka adag la wada sugayo ee Madrid Derby ee kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid, kaasoo ka tirsan kulamada 22-aad horyaalka La Liga ee wadanka Spain.

Maareynta kulanka Madrid Derby ayaa loo xilsaaray garsooraha reer Catalonia ee Xavier Estrada Fernández, iyo José María Sánchez Martínez oo isna maamuli doono dhanka aalada VAR.

Image result for Xavier Estrada Fernández,

Estrada Fernández ayaa maareeyay kulankii ay xilli ciyaareedkan Real Madrid kula ciyaartay Celta Vigo garoonka Balaídos, kaasoo ay wiilasha Zinedine Zidane ku adkaadeen 3-1.

Waxyaabaha kulankaas lagu xasuusto ayaana ah kaarkii roosaha ee tooska ahaa ee uu qaatay Luka Modrić, kaddib fara gelintii tooska aheyd uu ku sameeyay Denis Suárez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close