Xiddig ka tirsan Kooxda Manchester United oo qarka u saaran inuu tago

(Manchester) 26 Jan 2020. Mid ka mid ah daafacyada kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhow in uu qaab amaah ah dib ula midoobo kooxdiisii hore ee Estudiantes.

Marcos Rojo oo 29 sano jir ah, ayaa 122 kulan ka soo muuqday Manchester United tan iyo sanadii 2014, markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Sporting Lisbon.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Argentina ayaa kaaliya 3 kulan xilli ciyaaredkan u ciyaaray Manchester United horyaalka Preimer Leagea, taas oo ka dhigan in uu shaki badan ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Sida laga soo xiganayo wargeyska “The Mirror” Marcus Rojo ayaa ku dhow in dib amaah ugu laabto kooxiidii hore ee Estudiantes.

Warbixintaan ayaa sidoo kale intaas waxa ay ku dareysaa in Manchester United ay qosheeneyso in daafacan ay iska iibiso inta lagu guda jiro bishaan Janaayo.

Rojo ayaa 18 bilood waxaa kaga dhiman qandraaskiisa Red Devils, xilli uu jeebka ku shubto todobaadkii lacag dhan £100,000.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close