Real Madrid oo guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Real Valladolid oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Spain) 27 Jan 2020. Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Real Valladolid oo ay ku booqatay garoonka Jose Zorrilla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 21-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Nacho, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Toni Kroos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay guusha ku raacday kooxda martida aheyd ee Real Madrid, Los Balancos ayaana hoggaanka horyaalka La Liga kali ku noqotay waxayna Barcelona oo xalay guuldarro kala kulantay Valencia kaga hogaamineysaa  3 dhibcood oo nadiif ah.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close