Napoli oo guul ay u qalantay kaga gaartay Juventus Stadio San Paolo… +SAWIRRO

(Napoli) 27 Jan 2020. Napoli ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Juventus oo marti ugu aheyd garoonka Stadio San Paolo, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 21 ee horaalka Serie A ee dalka Talyaaniga .

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad kooxda Napoli ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Piotr Zielinski.

Daqiiqadii 86 daqiiqo Napoli ayaa dhalisay gool labaad waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigay Lorenzo Insigne.

Daqiiqadii 90-aad kooxda Juventus ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay kooxda Napoli hoggaamiyaasha horyaalka Serie A ee Juventus.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close