Manchester United oo badalka Marcus Rashford ka dhex arkootay horyaalka Turkiga

(Manchester) 26 Jan 2020. Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in liiska ciyaaryahanada ay dooneyso bishaan Janaayo ay ku darsatay weeraryahanka Fenerbahce ee Vedat Muriqi.

Ole Gunner Solsjaer ayaa cadaadis badan uu saaran yahay maalmahan, xilli uu dhaawac kaga maqan yahay Marcus Rashford oo noqday xiddiga ugu muhiimsan ee United.

Wargeyska “Fotospor” ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay liiska ku darsatay weerarayahnka Fenerbahce ee Vedat Muriqi.

Image result for Vedat Muriqi to man utd

Luka Jovic, Odion Ighalo iyo Islam Slimani  ayaa sidoo kale qeyb ka ah liiska xidigaha bartilmaamedka u ah Red Devils.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Kosovo, ayaa dhaliyay 12 gool, 18 kulan oo uu ka soo muuqday horyaalka Turkiga xilli ciyaaredkan, waxaana hada laga xiiseynayaa horyaalka Premier League.

Vedat Muriqi ayaa saddex sano iyo bar waxaa kaga dhiman qandraaska uu kula jiro kooxdiisa kubadda cagta ee Fenerbahçe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close