Horudhac: Real Valladolid vs Real Madrid… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka Los Blancos ay caawa booqanayso Valladolid)

(Valladolid) 26 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa indhaha ku haysa inay gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah horyaalka La Liga, marka ay u safrayaan caawa naadiga Real Valladolid.

Tababare Zinedine Zidane kooxda uu hoggaamiyo ayaa kaalinta labaad kaga jirta horyaalka La Liga, waxaana ay ka dambeeyaan kooxda xafidanaysa horyaalka Spain ee Barcelona oo kaga sarreysa faqriga goolasha.

Dhinaca kale Kooxda Real Valladolid ayaa fadhisa kaalinta 15-aad ee kala horreynta horyaalka La Liga, waxaana ay lix dhibcood oo nadiif ah u jirtaa kaalinta hoose ee looga laabto horyaalka Spain.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad, 26 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Ricardo De Burgos Bengoetxea (Spain)

Garoonka: Jose Zorrilla

Wararka Kooxaha:-

Kooxda Real Valladolid ayaa la filayaa inay ciyaari doonto saddex daafac oo dhexe inta lagu guda jiro todobaadkan.

Joaquin Fernandez waa inuu safka daafaca ka garab ciyaaro Mohammed Salisu iyo Kiko Olivas.

Javi Moyano ayaa taam u noqon doona inuu ka soo muuqdo daafaca garabka midig, halka Sergi Guardiola iyo Enes Unal ay hoggaaminayaan weerarka kooxda martida loo yahay.

Dhinaca kale Kooxda Real Madrid ciyaaryahan Dani Carvajal ayaa ka ganaaxan, taasoo la micno ah inuu Nacho buuxin doono booska garabka midig ee booqdayaasha.

Sergio Ramos ayaa weli ka soo kabanaya dhaawac canqowga ah, sidaasi darteed Eder Militao ayaa sii wadi doona inuu ka ciyaaro booska daafaca dhexe ee Los Blancos.

Gareth Bale ayaa sidoo kale sheeganaya dhaawac canowga ah, waxaana weerarka Real Madrid hoggaamin kara Rodrygo, isagoo ka garab ciyaari doona Karim Benzema.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Real Valladolid ayaa barbaro gashay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Real Madrid ayaan la garaacin 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga.

>- Kooxda Real Madrid ayaan guuldarro la kulmin tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Real Valladolid tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close