Goormuu Christian Eriksen tijaabada caafimad u marayaa kooxda Inter Milan?

(Milano) 26 Jan 2020. Christian Eriksen ayaa ku dhow in uu ku biiro kooxda reer Talyaani ee Inter Milan, taas oo heshiiskiisa ku soo gunaanadeysa £17million.

Wararkii ugu danbeeyay ee Talyaaniga laga helayo, gaar ahaan “Sky Sports Italy” ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in qadkaan dhexe berri oo Isniin ah uu tijaabada caafimaad u marayo kooxda macallin Antonio Conte ee Inter Milan.

Eriksen ayaa noqonayaa saxiixii saddexad ee uu Antonio Conte bishan Janaayo la soo wareego kaddib   Victor Moses iyo Ashley Young.

27 sano jirkan ayaa qandraaskiisa Tottenham Hotspur, waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaaredkan, xilli Spurs ay ku dhowdahay in xddigan ay ku qasaarto.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Denmark ayaa 51 gool dhaliyay, 222 kulan oo Tottenham uu ku matalay horyaalka Premier League.

Sidoo kale waxaa soo baxayay warar tilmaamayay in Barcelona ay qeyb ka noqotay loolanka loogu jiro xiddigan u muuqda mid ku biyo shubanaya cariga Talyaaniga.

Hadaba, Ciyaaryahankii hore ee kooxda Ajax ayaa lagu wadaa in berri oo Isniin ah uu tijaabada caafimad u maro kooxda ku ciyaarta garoonka San Siro ee Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close