Valencia oo guul ay u qalantay ka gaartay Barcelona oo marti ugu aheyd garoonka Mestalla… +SAWIRRO

(Valencia) 25 Jan 2020. Valencia ayaa guul ka gaartay kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd garoonka Mestalla, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta horre ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxayna ciyaarta noqotay 1-0, kaddib markii uu gool iska dhaliyay Jordi Alba.

Daqiiqadii 77-aad kooxda Valencia ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysatay, waxaana 2-0 ka dhigay Maxi Gomez, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ferran Torres.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Valencia kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd Mestalla.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close