Man United oo wali aan ka quusan adeega xiddig ka ciyaara Premier League

(Manchester) 25 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaan wali ka quusan adeega kubad sameeyaha Leicester City ee James Maddison.

Warsidaha caanka ah ee “The Independent” ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay wali baaqi ku tahay xiisaha James Maddison.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa bartilmaamedsaneysa in suuqa xagaaga ay la wareegan Maddison, balse kooxda lagu naaneyso dawacooyinka ayaa ka biyo diiday xiisaha Red Devils.

Image result for James Maddison To Man Utd

James Maddison ayaa 3 gool dhaliyay 3 kalena caawiyay kullamada horyaalka Premier League ee xilli ciyaaredkan uu ka soo muuqday kooxda Leicester City.

Si kastaba ha noqotee, Xiddigan ayaa ka mid ah furayaasha kooxda Leicester City ee xilli ciyaaredkan xilli United ay fursad yar u heysato hadii ay la wareegeyso suuqa bishan Janaayo oo Jimcaha la soo gaba gabeyn doono.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close