Macallinka Lille oo ka hadlay mustaqbalka bar-tilmaamedka Man United ee Soumare

(Lille) 25 Jan 2020. Hogaamiyaha Lille ee Christophe Galtier ayaa qiray in uusan hubin hadii Boubakary Soumare uu ku biirayo kooxda Manchester United iyo inkale.

Kooxda Manchester United ayaa bishaan Janaayo dooneysay in ay la soo wareegto adeega qadka dhexe ee Lille Boubakary Soumare.

Man United ayaa sidoo kale loolan ku aadan 20 jirkan kala kulmeysay kooxda ka dheesha horyaalka Preimer Leagea ee Chelsea taas oo xiiso ba’an qudheeda u qabtay Ciyaarayahanka ka soo baxay Akadeemiyada Paris Saint-Germain ayaa 20 kulan xagaagan kaga soo bilowday horyaalka France iyo tartanka UEFA Champions League.

Image result for Soumare and Christophe Galtier

Christophe Galtier oo ka hadlayay mutaqbalka Boubakary Soumare ayaa wuxuu yiri:

“Ma garanayo, ma jirto cid igala hadashay wax ku saabsan mustaqbalkiisa” ayuu ku jawaab celiyay tababaraha mar wax laga weydiiyay mustaqbalka Soumare.

“Ma garanayo, Wuxuu doonayaa in uu ciyaaro islmarkaana uu qeyb ka noqdo dagaalka ciyaartoyda kale ee kulanka Axadda, marka way cayimantahay”.

Soumare ayaa 4 kulan ka soo muuqday xulka qaranka ee France ciyaaryahanada da’doodu ka hooseyso 21 jirada, waxaana lagu qiimeeya in lagu helli karo £40m.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close