Chelsea oo u soo baxday wareega Shanaad ee koobka FA Cup kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Hull City… +SAWIRRO

(England) 25 Jan 2020. Chelsea ayaa u soo baxday wareega Shanaad ee koobka FA Cup kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Hull City oo ay marti ugu noqdeen KCOM Stadium 1-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada afaraad ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaan 0-1 ka dhigay Michy Batshuayi.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Fikayo Tomori, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ross Barkley.

Laakiin daqiiqadii 78-aad kooxda martida loo ahaa ee Hull City ayaa la tamid gool waxaana 1-2 ka dhigay dheesha Kamil Grosicki.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-2 ay Chelsea kaga adkaatay kooxda Hull City oo ay marti ugu noqotay KCOM Stadium, iyadoo ay Blues u gudubtay wareega Shanaad ee koobka FA Cup.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close