Real Madrid mise Barcelona, waa tee kooxda la xiriirtay Christian Eriksen?

(London) 24 Jan 2020. Sida ay xaqiijinayaan wargeysyada gudaha Ingiriiska xiddiga reer Denmark iyo kooxda Tottenham Hotspur ee Christian Eriksen ayaa wuxuu dalab kaga yimid horyaalka La Liga ee dalka Spain inta lagu gudi jiro bishaan Janaayo.

Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa la soo sheegayaa in ay xiriir la sameysay bishaan Janaayo Christian Eriksen, Sida lagu baahiyay wargeyska (Sky Sports).

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee wadanka Denmark ayaa ku sii dhawaanaya ka mid noqoshada kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Eriksen ayaa la kulmay gudoomiyaha Tottenham Daniel Levy talaadadii lasoo dhaafay, xilli uu u sheegay in uu rabo in bishan uu ku biiro Inter Milan waa sida laga soo xiganayo “SKY Italy”.

Inter qudheedu waxa ay xoogga saareysa xidigan inkastoo loolanka ay ku soo biirtay kooda ka dhisan Gobolka Catalonia ee Barcelona.

Christian Eriksen ayaa heshiiskiisa Tottenham Hotspur waxa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaaredkan, Spurs ayaana ku qasban in bishan ay iska iibiyaan si heshiiskiisa ay uga faa’idan.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close