Muxuu ku tilmaamay Antoine Griezmann kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi?

(Barcelona) 24 Jan 2020. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay joogitaankiisa Blaugrana.

Dhinaca kale Antoine Griezmann ayaa ku tilmaamay saaxiibkiis reer Argantina ee Lionel Messi inuu yahay ciyaaryahanka ugu awooda badan adduunka.

28 jirkan reer France ayaa wareysi uu ku bixiyay Channel-ka La Liga wuxuu ku sheegay:

“Waa wax aan ku faano, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan joogo Barcelona, Aabahey aad ayuu ugu faraxsan yahay inuu arko wiilkiisa oo u ciyaaraya Barcelona”.

“Waxaan doonayaa inaan taariikh ka sameeyo kooxdan, waa inaan arrintaas ka shaqeeyaa, waa inaan ka shaqeeyaa inaan muhiim ka noqdo kooxda”.

“Waxaan doonayaa inaan horumar ku sameeyo heerkeyga gooldhalineed, iyo sida aan u caawin lahaa, waxaan isku dayaa inaan u barto tikitaakada sida ugu macquulsan”.

“Waxaan dareemayaa wanaag, jir ahaan iyo maskax ahaanba, runtii waxaan rabaa inaan shaqeeyo oo aan horumar sameeyo”.

Intaas kaddib Antoine Griezmann ayaa wuxuu ka hadlay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi wuxuuna yiri:

Image result for Antoine Griezmann and Messi

“Waa ciyaaryahanka ugu awooda badan adduunka waana wax fiican in lala wadaago garoonka, waxaan isku dayaa inaan fahmo dhaq-dhaqaaqyadiisa oo aan si dhaqso leh u dhaqaaqo marka uu kubbadda heysto, si aan xiriir wanaagsan u yeelano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close