Mogadishu City Club oo guul ay u qalantay ka gaartay Kooxda Heegan kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 24 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Mogdisho City Club ayaa galabta 3-0 ku kala dirtay naadiga Heegan, ciyaar qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan labada kooxod ayaa waxay soo bandhigeen kubad aad u heersareyso oo ay jecleysteen taageerayasha u soo daawasho tagay ciyaartan weyn.

Qeybtii koowad ayaa lagu kala maray bar baro 0-0.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaarta wiilasha Mogdisho City Club ayaa waxay dar-dar ku soo galeen garoonka iyagoo rabay iney shabaqada Heegan ay gaaraan.

Ciyaaryahankii hore kooxda Dekedda Feysal Xasan Xaashi ayaa galabta labo gool oo cajiib ah ka dhaliyay Kooxda Heegan, halka goolka saddexaad oo raacsaday Cabdiqaadir Aadan Eenow (Banteke).

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-0 ay guusha ku raacday kooxda Mogdisho City Club.

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close