Miyuu soo gaaray Tammy Abraham dhaawac jabniin ee dhanka lafaha ah kulankii Arsenal? Lampard ayaa ka jawaabaya

(London) 24 Jan 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa beeniyay in Tammy Abraham uu soo gaaray dhaawac jabniin dhanka lafaha ah, kaddib markii dhaawac loogu saaray kulankii Arsenal ee bartamihii todobaadkan.

Tammy Abraham ayaa dhaawac uu ka soo gaaray dhanka canqowga ka hor dhamaadka kulankii London derby ee horyaalka Premier League ay kula ciyaareen kooxda Arsenal garoonka Stamford Bridge.

تامي أبراهام لاعب تشيلسي

Hadalkan uu sheegay macalin Frank Lampard ayaa wuxuu imaanayaa kahor ciyaarta FA Cup-ka ay kula ciyaari doonaan Hull City bari oo Sabti ah.

Frank Lampard ayaa inta uu ku gudi shirka Jaraa’id waxaa lagu weydiiyay su’aal ku aadaneyd xaalada dhaawac ee Tammy Abraham wuxuuna ku jawaab celiyay:

تامي أبراهام لاعب تشيلسي

“Warka ugu fiican ayaa ah inuusan qabin wax jab ah, tani waa war wanaagsan, laakiin ma naqaano heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa”.

Yeelkeede, Tammy Abraham ayaa seegi doona kulanka Hull City, iyadoo la filayo in weeraryahan Michy Batshuayi uu noqon doono badelkiisa ciyaarta Sabtida.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close