Mikel Arteta oo ka jawaabay wararka la xiriiranaya Aubameyang inuu ku biirayo Barcelona

(London) 24 Jan 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa wuxuu ka jawaabay wararka la xiriiranaya Pierre-Emerick Aubameyang inuu ku biirayo naadiga Barcelona inta lagu gudi jiro suuqa bishan Janaayo, si uu ugu noqdo badelka Luis Suarez oo mudo 4 bilood ka maqnaanayo Barca.

Xiddigii hore kooxda Liverpool ayaa la dhibtoonaya dhaawac xoogan ee dhanka Jilibka ah uu garoomada kaga maqnaanayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, kaddib markii qaliin lagu sameeyay.

In ka badan hal magac oo weyn ayaa waxay ka soo muuqdeen liiska xiddigaha ay kooxda Barcelona dooneyso inay ka dhigato badelka Luis Suarez, waxaana ku jira Edinson Cavani, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Rodrigo Moreno.

Haddaba macalin Mikel Arteta ayaa wuxuu ka hadlay wararka la xiriirinayo Pierre-Emerick Aubameyang inuu ku biirayo kooxda Barcelona wuxuuna yiri:

“Toddobaad ka hor, kaddib ciyaar aan ku dheelnay garoonkeena, waxaan ka wada hadalnay in Aubameyang uu aad u faraxsanaa, isla markaana uusan raacsaneyn waxyaabaha ku qoran warbaahinta, mustaqbalkiisana uu halkan yaalo”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay arrintaas, kani waa go’aankeyga xilligan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close