Horudhac: Heegan Sports Club Iyo Mogdisho City Club… (Wax walba ee aad uga baahan tahay kulanka adag ee Galabta)

(Muqdisho) 24 Jan 2020. Kooxaha Heegan Sports Club iyo Mogdisho City Club ayaa galabta ku balansan garoonka Eng Yariisow, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kulankii shanaad ee labadan kooxod ka dheelan horyaalka fasal ciyaareedkan.

Wiilasha ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulankii ugu dambeyay waxey 2-1 ugu soo adkaadeyn naadiga Jazeera Sports Club.

Kooxda Mogdisho city Club ciyaartii ugu dambeysay waxey 4-0 ugu soo taqluseyn naadiga Midnimo.

Naadiga Heegan Kulanka galabta waxaa kaarka roosaha ugu maqnaanayo xidigeeda Feysal Luhachimba.

Kooxda Mogdisho City Club waxaa galabta dib ugu soo laabtay ciyaaryahankeeda Xasan santos, kaasoo dhaawac ugu maqnaa kulamadii ugu dambeyay horyaalka ay dheesho kooxdiisa.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Mogdisho City Club Vs Heegan

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacada: 3:30

W/D: C/fitaax Naani.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close