“Bixitaankeygii kooxda Manchester United wuxuu ahaa go’aan sax ah” – Romelu Lukaku

(Milan) 24 Jan 2020. Weeraryahanka haatan kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa sheegay in bixitaankiisii Manchester United uu ahaa go’aan sax ah, isagoo tilmaamay inuu go’aankan qaatay bishii Maarso ee sanadkii hore.

Romelu Lukaku oo 26 jir ah, ayaa u dhaqaaqay kooxda Inter Milan xagaagii hore, isagoo kaga yimid kooxda Manchester United qiimo dhan 65 milyan oo euro.

Lukaku oo xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya ee kooxda Inter Milan ku qaadanaya ayaa wuxuu u dhaliyay 18 gool, wuxuuna caawiyay 4 gool kale, 26 kulan oo uu ilaa iyo haatan ka qeybgalay.

Romelu Lukaku ayaa wareysi gaar ah uu ku bixiyay shabkada “Sky Sports” wuxuu ku sheegay:

Lukaku had angered Conte after a poor performance in Inter Milan's draw with Slavia Prague

“Waxaan go’aansaday inaan ka tago Manchester United bishii March ee lasoo dhaafay, waxaan aadey xafiiska maareeyaha, waxaanan u sheegay in la joogo waqtigii la raadin lahaa koox kale”.

“Si fiican uma ciyaarin, xittaa kama qeybqaadan, waxaana u maleynayaa in bixitaankeyga uu ahaa xalka ugu fiican ee labada dhinac, waxaana u maleynayaa inaan qaatay go’aanka saxda ah”.

“Manchester United waxay siisay fursado badan ciyaartoy da’ayarta ee kooxda, sidaas darteed bixitaankeyga wuxuu ii ahaa go’aanka ugu fiican ee aniga iyo kooxda”.

“Waxay aheyd inaan helo wax iga maqan, waxaana gartay in la gaaray waqtigii aan bixi lahaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close