Arsenal oo hoggaamineysa tartanka loogu saxiixa xiddig ka tirsan Atletico Madrid

(London) 24 Jan 2020. Sida warar ka soo baxaya gudaha dalka Spain ay ku waramayaan kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hogaamineysa tartanka loogu saxiixa xiddiga Atletico Madrid ee Thomas Lemar.

Hogaamiyaha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa raba in uu xoojiyo kooxda dhawaan loo dhiibay, suuqa bishan Janaayo ayuuna doonaya in Thomas Lemar  uu soo qaato.

24 sano jirkan ayaa waxaa wada xiiseenaya dhowr kooxood oo ka ciyaara horyaalka Preimer Leagea, islmarkaana ay qeyb ka yihiin Wolves iyo Tottenham.

Ciyaraahanka caalamiga ah ee reer France Thomas Lemar ayaa Atletico Madrid kaga soo biiray kooxda AS Monaco sanadii 2018 adduun dhan £52.7million.

Lemar ayaa si toos ah u helin qaab ciyaaredkii lagu yaqaanay tan iyo sidii uu kaga soo tagay horyaalka France, waxaana xusid mudan in 3 gool uu dhaliyay 3 kalena caawiye uu ka ahaa 64 kulan oo uu ka soo muuqday kooxda lagu naaneyso Los Rojiblancos.

Sida laga soo xiganayo “Goal” kooxda reer Spain ayaa Lemar bishan ku fasaxeysa qaab amaah ah, taas oo kooxdii la wareegta ay u furan tahay in ugu yaraan ay ku qaadato €40m.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close