Liverpool oo xiiseeneysa xiddig ka tirsan kooxda Real Madrid

(Liverpool) 23 Jan 2020. Wararka ka imaanaya kooxda Liverpool ayaa waxa ay ku waramayaan in Reds ay bar-tilmaameed deg-deg ah ka dhiganeyso ciyaaryahan u ciyaara Real Madrid .

Warsidaha “El Desmarque” ayaa daboolla waxa uu ka qaaday in Liverpool ay dooneyso soo xero galinta kubad sameeyaha Real Madrid ee Francisco Isco.

Liverpool ayaa Isco u aragta babadalka kubad sameeyeheedii hore ee Philippe Coutinho, kaas oo ku biiray Barcelona, Inkastoo amaah uu haatan ku joogo kooxda Bayer Munich.

Manchester United ayaa sidoo kale u hanqaltaageysa adeega ciyaaryahanka caalamiga ah ee wadanka Spain, waase hadii ay ku guul dareystaan raacdada ay ugu jirto adeega Bruno Fernandez.

Francisco Isco ayaa lagu qiimeeyaa adeegiisa in lagu heli karo lacago dhan €60million.

Isco ayaa ku biiray kooxda Real Madrid sanadkii 2013 xilli uu ka caawiyay hanashada 4 jeer tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close