Kaddib markii ay ku guul dareysteen saxiixa Edison Cavani… (Waa kee weerarayahanka ay dooneyso Chelsea?)

(London) 23 Jan 2020. Kooxda uu hogaamiyo Frank Lampard ee Chelsea ayaa ku guul dareystay in ay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani.

Blues ayaa u diyaar ah in ay dib u furto wadahadalada ay bishaan ku dooneyso ciyaaryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele.

Lampard ayaa kooxdiisa u sheegay in uu u baahan yahay weeraryahan si uu ugu dagaalamo booska loogu soo baxo tartanka Champions Leagea.

Image result for Edinson Cavani and Moussa Dembele

Chelsea ayaa xiriir ay la sameysay Edison Cavani ku fashilantay, xilli xiddiga Uruguay uu u muuqdo mid ku biiraya Atletico Madrid .

Sidoo kale ciyaaryahanada kale ee ay dooneyso waxaa ka mid ah Jadon Sancho oo ka tirsan kooxda Brussia Dortmund.

Moussa Dembele oo 23 sano jir ah ayaa Lyon u dhaliyay 13 gool, 28 kulan oo uu ka soo muuqday, sidoo kale Manchester United ayuu bartilmaameed u yahay.

Hadaba, Milkiilaha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Roman Abramovich ayaa bixin doona adduun dhan £45million si kooxda Lyon uu ugu qanciyo in ay la wareegan Moussa Dembele.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close