DEG-DEG: Inter Milan oo la wareegtay xiddig ka tirsan kooxda Chelsea

(Milan) 23 Jan 2020. Kooxda Inter Milan ayaa heshiis amaah ah ku qaadatay xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta ee Chelsea

Naadiga reer Talyaani ayaa waxay heshiis amaah ah ku qaadatay Victor Moses kaas oo lala xiriirinayay maalmihii dambe.

Victor Moses ayaa dib ula midoobi doono macalinkiisii hore ee kooxda Chelsea Antonio Conte.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Nigeria ayaa amaah ugu ciyaarayay kooxda wadanka Turkiga ee Fenerbahçe, 20 kulan oo uu u ciyaarayna 5 gool ayuu u dhaliyay.

Victor Moses oo 29 sano jir ah ayaa 38 kulan u ciyaaray wadankiisa hooyo ee Nigeria oo uu ku jiro koobkii adduunka ee 2018-kii lagu qabtay wadanka Russia.

Waa saxiixi labaad ee Inter Milan ay sameyso suuqan Janaayo kaddib Ashley Young  oo kaga soo biiray kooxda Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close