Arsenal oo heshiis cusub ku baal-marineysa xiddig kooxdeeda ah si ay kaga hor istaagto xiisaha kaga imaanaya Real Madrid

(London) 23 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo waramaya in heshiis cusub ay ka saxiixaneyso mid ka mid ah xiddigaheeda.

Ganners ayaa qorsheeneysa inay heshiis cusub ka saxiixato Gabriel Martinelli, taasoo meesha ka saareysa xiisaha kaga imaanaya Real Madrid.

Gabriel Martinelli ayaa qaab ciyaareed aad loogu riyaaqay ku soo bandhigay horyaalka Preimer Leagea iyo tartanka labaad ee ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee Europe Leagea.

18 sano jirkan ayaa 10 gool ku dhaliyay, 11 kulan oo uu ku soo bilowday iyo 10 kulan oo uu badal ugu soo galay kooxdiisa xilli ciyaaredkan dhaman tartamada kala kuwan ee ay ka qeyb galeyso.

Image result for Gabriel Martinelli To Real Madrid

Natiijadaas ayaa ka dhigtay in kooxda kubadda cagta Real Madrid ay u hanqal taagto adeegiisa sida lagu sheegay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England.

Laakiin kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa ku qanacsan in ay labo jibaarto mushaarka ay siiso Gabriel Martinelli si ay u sii heysato.

Gabriel Martinelli ayaa heshiiskiisa Arsenal waxa uga dhiman mudo dhan 4 sano iyo bar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close