Kooxda Arsenal oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karto Layvin Kurzawa

(London) 22 Jan 2020. Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay qiimaha ay ku heli karo adeegga Layvin Kurzawa.

Gunners ayaa bishan Janaayo inta lagu gudo jiro dooneysa in ay la wareegto Kurzawa, hase ahaatee kooxda Paris Saint-Germain ayaa shaaca ka qaaday in xiddigeeda ay ku fasixi karto ugu yaraan £4.2million.

Gunners ayaa ku jirtay wadahadaladii ugu danbeeyay ee Kurzawa, xilli Mikel Arteta uu qorsheenayo in uu ku xaliyo dhibaatada ka heysata xagga daafaca.

PSG ayaa ku faraxsan in ay iska dirto ciyaaryahankan, Inkastoo ay kaliya ku fasixi doonto qiimo lacageed dhan £4.2million.

Kurzawa ayaa noqon doona mid beeca xorta lagu heli karo dhamaadka xilli ciyaaredkan maadama waqtigaas uu dhacayo heshiiskiisa PSG.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee wadanka Farnce ayaa PSG kaga soo biiray kooxda Monaco sanadkii 2015 walba adduun dhan £20m, laakiin waxaana dhawaanahanba laga door bidaa booskiisa daafaca bidix Juan Bernat.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close