RASMI: Isku aadka wadammada Africa ee Isreeb-reebka koobka adduunka oo la sameeyay

(Africa) 21 Jan 2020. Isku aadka wareega labaad isreeb-reebka CAF FIFA World Cup 2022 ayaa lagu qabtay magaalada Cairo ee wadanka Massar, iyadoo Nigeria, Ghana & Egypt ay ku beegmeen xulal kale.

Isku geen 54 dal oo African ah ayaa ka qeyb qaadan doono isreeb-reebka Koobka adduunka Qatar ee 2022-ka, laakiin kaliya 5 ka mid ah dalalkaas ayaa heli doono inay qaaradooda ku matalaan dhacdadaas.

Ku guuleystayaasha wareega koowaad ee 14 dal ah ayaa ku biiraya 26-ka xul ee ugu sareeyay Africa marka la eego kala sareynta qiimeynta bilaha ah ee xulalka aduunka ee FIFA bishii December 2019.

40-kaan xul ayaa loo qeybeeyay 10 group oo ka kooban min afar wadan.

Group kasta kooxaha ku jira ayaa midba midka kale wuxuu la ciyaari doonaa minin iyo marti.

Guuleystayaasha 10-ka group ayaa u gudbi doonaa wareega saddexaad iyo wareega ugu dambeeya, kaasoo ay ka soo bixi doonaan 5 kulan oo isreeb-reeb ah.

Guuleystayaasha Shanta ah ayaana markaas kaddib ka qeyb gali doono Isreeb-reebka koobka adduunka ee lagu qabanayo Qatar 2022.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida Group-yada loo kala galay:

Group A

Algeria

Burkina Faso

Niger

Djibouti

Group B

Tunisia

Zambia

Mauritania

Eq. Guinea

Group C

Nigeria

Cape Verde

Central Africa

Liberia

Group D

Cameroon

Ivory Coast

Mozambique

Malawi

Group E

Mali

Uganda

Kenya

Rwanda

Group F

Egypt

Gabon

Libya

Angola

Group G

Ghana

South Africa

Zimbabwe

Ethiopia

Group H

Senegal

Congo

Namibia

Togo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close