Manchester City oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Sheffield United… +SAWIRRO

(Sheffield) 22 Jan 2020. Manchester City ayaa guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 24-aad ee horyaalka horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay ciyaarta Sergio Aguero waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay ku adkaatay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close