Kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo dhibcaha ku qeybsaday kulankii adkaa ee London derby… +SAWIRRO

(London) 22 Jan 2020. Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulankii adkaa ee London derby, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 2-2 ah, xilli ciyaartaan ay qeyb ka aheyd kulamada 24-aad ee horyaalka horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.
Daqiiqadii 26-aad xiddiga reer Brazil ee David Luiz ayaa qaatay kaarka roosaha kooxda Arsenal ayaana sidaas ku noqotay 10 xiddig oo kaliya.
Daqiiqadii 28-aad kooxda Chelsea ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Jorginho, ciyaarta ayaana ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Blues.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 63-aad kooxda Arsenal ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana dheesha 1-1 ka dhigay Gabriel Martinelli.
Markale daqiiqadii 84-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay Cesar Azpilicueta, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Callum Hudson Odoi.
Laakiin Arsenal ayaa markale la timid goolka bar-bardhaca waxaana 2-2 Hector Bellerin, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lucas Torreira.
Ugu dambeyntii ciyaarta adkeyd ee London derby ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 2-2 ah ay isku dhaafi waawyeen labada kooxood Chelsea iyo Arsenal.
SAWIRRO:
Gool FM.